Home Ciyaaraha YAAB! Jorginho Oo Sameeyay Qirasho Ku Saabsan Rikoodhadii Uu Khasaariyay Final-kii Euro...

YAAB! Jorginho Oo Sameeyay Qirasho Ku Saabsan Rikoodhadii Uu Khasaariyay Final-kii Euro 2020. – banaadirsom

Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Italy ee Jorginho ayaa ku kaftamay in uu si ka ah u khasaariyay rikooadhii xulkiisa final-kii euro 2020 sabab la xidhiidha in uu garanayay in uu Donnarumma badbaadin doono.

Jorginho ayaa khasaariyay rikoodhe kulankii uu xulkiisu ku guulaystay koobka euro 2020 ka hor inta uuna Goolhaye Donnarumma badbaadin rikoodhadii uu laagtay xiddiga Bukayo Saka.

Xiddiga oo la hadlaya SportTV ayaa yidhi”Haatan waan ku kaftami karaa laakiin waxa aan odhan karaa in aan Nasiib lahaa”.

“Waan ogaa in Donnarumma na badbaadin doono, sidaa darteed waan khasaariyay Rikoodhadii aan ku laaday England”.

“Kaftanka ka sokow, waxa aan dareemay in uu adduunku igu dumay kadib markii aan rikoodhada khasaariyay”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Source link