Home Ciyaaraha Xulka Qaranka Brazil Oo Garaacay Xulka Spain Final-ka Ciyaaraha Kubada Cagta Ee...

Xulka Qaranka Brazil Oo Garaacay Xulka Spain Final-ka Ciyaaraha Kubada Cagta Ee Ciyaaraha Olympic-da – Banaadirsom

Xulka qaranka Brazil ayaa ku guulaystay Billada dahabka ah ee final-ka ciyaaraha Olympic-da ee ka socda dalka Japan.

Xulka Brazil ayaa billada ku garaacay xulka Spain kulan xiiso lahaa oo ay labada xul isla aadeen wakhtiga dheeriga ah ee 30-ka daqiiqo kadib bar-baro ay galeen.

Labada xul ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waliba mid walba uu u dadaalay sidii ay ugu guulaysan lahaayeen Billada dahabka ah ee ciyaaraha Olympic-da.

Xulka Brazil ayaa wakhti hore helay rikoodhe laakiin waxa cirka mariyay kubada xiddiga Richarlison kaas oo xulkiisa ka khasaariyay rikoodhe ay hogaanka ugu qaban lahaayeen.

Laakiin xulka Brazil ayaa daqiiqadii 42+2-aad dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Matheus Cunha kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Brazil hogaaminayo laakiin xulka Spain laftiisu sameeyeen fursado fiican oo ay ku dhalin kareen goolal.

Daqiiqadii 61-aad ee qaybtii dambe ee ciyaarta ayuu xulka Spain dhaliyay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mikel Oyarzabal kaas oo ciyaarta ka dhigay  bar-baro 1/1 ah.

Labada kooxood ayaa isla aaday 30-ka daqiiqo ee dheeriga ah ee ciyaarta iyada oo ay labadooduba raadinayeen goolka guusha ee ay ciyaarta hogaanka ugu qabanayaan.

Laakiin daqiiqadii 108-aad ayuu xulka Brazil dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Malcom kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Brazil ku guulaystay Billada Dahabka ah ee ciyaaraha Olympic-da sanadkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Quruxda Badan Ee Ayna Dumarku Ka Baxsadaan Xitaa Quruxdiisa, Iska Baadh Sifooyinkaas

Source link