Xukun dil ah oo lagu fuliyay askari horay dil u geestay





Maxkamadda Ciidamada qalabka sida gaar ahaan qaybta 27aad ayaa saakay xili hore dil toogasho ah ku fulisay Cabduqaadir Farax Dhaqane oo horay u dilay Marxuum Mowliid Baashe Cumar.

Dilka waxa uu ka dhacay Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo, Maxkamadda oo dhageysatay kiis dacweedka lagu soo oogay Cabdulqaadir Faarax ayaa ugu dambeyn ku ridday xukunka maanta lagu fuliyay.

Cabdulqaadir waxa uu katirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka, halka Marxuumka uu dilay uu ahaa Farsamayaqaan Baabuurta sameeya, is maandhaaf kaddib uu dilkaas ka dhacay sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Maxamed Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir ayaa sheegay in xukunka lagu fuliyay Cabdulqaadir Faarax Dhaqane uu yahay qisaasta Marxuum Mowliid Baashe Cumar.

Waa xukunkii labaad oo toogasho ah oo Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ka fulisay Gobolka Gedo 24saac gudahood, waxaa weli xiran Askar ku eedeysan dhibaatooyin ay u geysteen Dad rayid ah iyo kuwo dhexdooda ka dhacay.

 




Source link