Home Wararka Maanta Xubno ka tirsan Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo kusii jeeda Dhuusamareeb

Xubno ka tirsan Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo kusii jeeda Dhuusamareeb





Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya, Mohamed ibraahim Barre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka u safray Dowlad Goballeedka Galmudug.

Xubnahan Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee ku wajahan Galmudug oo ka kooban 7 xubnood ayaa goobjoog u noqon doona Doorashada Aqalka sare ee senatorada kasoo baxaya Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka bilaabmi doonta Dhuusamareeb.

Xubnaha Guddiga xalinta khilaafaadka diorashooyinka ayaa horay goobjoog uga noqday doorashooyinkii ka dhacay Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.

 




Source link