XOG:RW Rooble oo ku hungoobay in lagu wareejiyo amniga Qaranka





Ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa niyad jab ka qaaday natiijada shirarkii uu la lahaa madaxweynayaasha maamul Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa ku guuldareestay iney u meel mariyaan madaxda dowlad goboleedyada damacyo qar iska tuur ah oo uu watay iyadoo hogaamiyeyaasha isku raaceen in dalka laga samatabixiyo gacmo baahan oo doonaya in dalka ay ka shaqeystaan.

Inta badan madaxda dowlad goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa ka hor yimid qodobo uu watay RW Rooble oo uu kamid ah inaga haley saxiixo hana leygu soo wareejiyo amniga guud ee dalka taa oo loo arkay in Rooble uu fursad ku raadinayo.

Dhanka kale waxaa la laalay damacyo kale oo waaweyn kuwaa oo dhamaantood aan ka turjumeynin danaha dalka iyo dedejinta doorashada balse awood siinaya Rooble iyo wasiiro xulufo la ah.

Xogo aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Ra’isul Wasaare Rooble uu soo dhisayo Laba musharax oo kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kuwaa oo sidoo kale uu ka dhigtay lataliyeashiisa.

Rooble ayaa wajahaya sidoo kale fadeexad weyn oo ka dhalatay markii uu ku dhawaqaay in uu Imaaradka Carabta u celinayo lacagtii sharci darrada aheyd ee sida qaldan Soomaaliya lagu soo geliyay.

Damaca waalida ah ee RW ROOBLE waxaa sidoo kale ku baraarugay xubno katirsan Beesha Caalamka oo ku amray in muhiimadda uu saaro dedejinta doorashada.

By: Aydid Guled

 




Source link