Home Wararka Maanta XOG:Fahad Yaasiin oo xil sare u magacaabay shaqsi xilka oo kaqaaday RW...

XOG:Fahad Yaasiin oo xil sare u magacaabay shaqsi xilka oo kaqaaday RW Rooble oo saameyn kulahaa NISA

Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa xil cusub u magacaabay Cabdullaahi Aadan Kulane oo dhowaan uu xilka ka qaaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida ay ogaatay Banaadirsom Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Fahad Yaasiin uu Cabdullaahi Aadan Kulane oo hore u ahaa madaxii shaqaalaha NISA u magacaabay kaaliyaha dhanka siyaasadda iyo amniga ee hay’addaasi.

Ra’iisul Wasaare ayaa qoraal xafiiskiisa kasoo baxay 23-kii July oo uu xilka uga qaaday Kulane ku yiri “”Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde.”

Magacaabista xilka cusub ee Kulane, ayaa weli kusii haynaysa hay’adda NISA, hase yeeshee ilo-wareedyo ku dhow Fahad ayaa sheegay inaysan jirin wax Kulane u diidaya inuu xil kale qabto.

“Kulane qalad uu galay ayaa xil looga qaaday, mana jirto meel ay ku qoran tahay in xil kale uusan qaban. Imisa wasiir ayaa horey xilal looga qaaday, oo haddana mar kale wasiiro ama ku xigeeno loo magacaabay?,” ayuu yiri ilo-wareedka la hadlay Banaadirsom Online.

Fahad ayaa xilka agaasimaha madaxa shaqaalaha NISA ee laga qaaday Kulane u magacaabay Cabaas Yacquub.

Source link