Xog:Ciidamada ka amar qaato Muuse Suudi oo beri kuwajahan garoonka Muqdisho iyo warar shegaayo in…

Muqdisho (Banaadirsom)-Sida ay noo xaqiijiyeen ilo u dhow dhow gudiga qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shegaayo in amaanka madaxweynaha ilaalin donaan ciidamo ka amar qaata xaaji muuse Suudi Yalaxoow.

Ciidamadaas oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho kuwaasi oo haatan fariisin u ah guriga xildhibaan Muuse Suudi ayaa lashegayaa in amaanka Sheekh Shariif sugi donaan inta oo kusuganyahay magaalada Muqdisho.

Qaban qaabadii ugu danbeyse ayaa kasocota magaalada muqdisho ee lagu soo dhaweynaayo sheekh Shariif oo Muqdisho oga qeyb geli doono shirweynaha xisbiga Himilo qaran oo asaga gudoomiyaha ka yahay.

Isku soo wada duub imaatinka Sheekh Shariif ayaa imaaneyso xili dowlada mucaaradyo xoogan kala kulmeyso xildhibaanada iyo maamul goboleedyada dalka.