Home Wararka Maanta XOG: Xildhibaan Shaacir Sheegow oo hoggaaminaya ololaha Aqalka Sare baarlamaanka Galmudug

XOG: Xildhibaan Shaacir Sheegow oo hoggaaminaya ololaha Aqalka Sare baarlamaanka Galmudug

Waxaa magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamul Goboleedka Galmudug ka socda diyaar garowga doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare halkaa oo la filayo iney gaaraan dhawaan mas’uuliyiin ka socota guddiga doorashooyinka.

Shirar gaar gaar ah iyo abaabul xoogan ayey magaalada Dhuusomareeb martigelineysaa kuwaa oo ay yeelanayaan siyaasiyiinta dooneysa kuraasta aqalka sare iyo xildhibaanada Baarlamaanka Galmudg.

Xog la helay ayaa sheegaya in isbaheysi ay samesteeen  Xildhibaano uu hogaaminyo  Shaacir Shegow Maxamed oo katirsan Baarlamaanka Galmudug kaa oo heshiis hoose la galay  Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay iskala tirsan yihin  oo Sanadkaan dooranaya  Xildhibaanada Aqalka Sare.

Waxaa sidoo kale isbahesigan uu Xildhibaan shaacir hogaaminayo ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan sidii ay u soo dooran lahaayeen Senatarada ay doonayaan iney matalaan deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro  Qandaraas uu ku soo qaatay 8da Xildhibaan ee Aqalka Sare ee Degaan Doorashadoodu tahay Galmudug oo quf walba u rabo in sanadkaan u kasoo muqdo liiska xubnaha cusub ee Aqalka sare ee galmdug.

Isbaheysigan oo sameeyn badan ku dhex leh Xubnaha Barlamaanka galmudug  Ayaa hada Ololaha doorashada Aqalka sare ka dhax bilaaway Barlamaanka galmduug oo ayaga dooranaya 8aad xubnood ee glmudug ku matalaayo.

Ilaa iyo hada lama ogaanin 8-da xubnood uu Maalgalinayo Magacyadooda iyo shaqsiyaadka ay kala yihin laakiin Xildhibaanka ayaa saxibno dhaw la ah qaar kamiid ah kuwa hada galmudug ku matalaayay aqalka sare Afartii sano ee ugu danbeysay

Sidoo kale wali lama ogaanin ciida liiska usoo dhibtay in u ka shaqeyo soo saarida xubnaha aqalka sare  balse wararka ayaa sheegaya  Xildhibaan Shaacir u yahay Nin ku fiican qaabka Ololaha iyo sida loo soo xera gelsho Siyaasinta Damaca badan ka leh kuraasta aqalka sare ee Galmudug.

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor Ayaa dhawaan laga sugayaa su gudbinta liiska xubnaha aqalka sare ee galmudug ku mataalada barlamaanka cusub madaxweynaha ayaana ku mashqulsan sidii liskaasi u soo kala xuli lahaaa.

Source link