XOG: Xasan & Shariif oo Go’aano waa weyn ka soo saaraya Xaaladda cakiran ee dalka

Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif oo xalay shir gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxay si aad ah kaga hadleen xaaladda guud aee dalka gaar ahaan siyaasadaha is diidan ee mandiqada ka jirta iyo damaca guracan ee madaxweyne Farmaajo.

Labada madaxweyne hore ayaa isla gartay inaan la joojinin cadaadiska lagu hayo madaxweyne Farmaajo ilaa iyo inta la gaarayo doorasho loo dhan yahay.

Sidoo kale, Labadan mas’uul ayaa si aad ah kaga dooday doorka beesha caalamka ee arrimaha cakiran ee ka taagan dalka iyo taageerada hal dhinac ah ay siinayaan madaxtooyada Soomaaliya, waxay ku heshiiyeen in la joogteeeyo kulamada Beesha caalamka.

Xubno ka tirsan Xisbiyada Himilo Qaran iyo UPD ayaa inoo kala sheegay inuu socdo qorshe weyn oo ku xiga banaanbaxa, kaas oo la doonayo in go’aan kama dambeys ah lagaga qaato arrimaha Doorashooyinka.

Xaaladda Siyaasadeed ee dalka ayaa meel xasaasi ah mareysa, waxayna beesha caalamka quus ka taagan tahay dhex dhexaadinta khilaafka ka dhex jira saamileyda siyaasadda dalka.

 

Source link