XOG XASAASIYA:Imaaraat-ka carabta Oo Madaxweynaha Puntland faraqa ugushubey lacago malaayiina waase imasa..

Garowe (Banaadirsom)-Hogaamiyaha Maamul Gobolleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa lasoo sheegayaa in dhaqaale badan uu kasoo helay Dawlada Isku taga Imaaraat-ka Carabta.

Imaaraat-ka waxay sheegeen inay ka qeyb qaadan doonaan dhismaha Waddooyin iyo kaabayaasha Dhaqaale Ee Puntland.

UAE ayaa waxay hadda maamushaa Dekada weyn Ee Magaalada Boosaaso oo ay dhaqaale badan ka sameyso Bil kasta.

Madaxweyne Siciid Dani ayaa faraqa loogu soo shubayo Lacag Shan ilaa Lix Milyan Dollar Dhaqaale u dhaxeeya sida ilo lagu kalsoon yahay ay xaqiijiyeen.

Lacagtaasi qeyb ka mid ah Ayaa Madaxweyne Dani waxa loogu soo dhiibay inuu ku hormariyo Madaxtooyada Garowe oo dhisme Cusub in laga bilaabo ay ubadan tahay.

Sidoo kale Gaadiid loo iibiyo Wasiirada qaar ee maamulkaasi iyo ilkaaniyaat-ka loo baahan yahay oo lagu fuliyo.

Warar kale ayaa sheegaya in dhaqaalahaasi ay ku xigi doonaan Lacag kale oo Sanadka soo socda 2020 ay Imaaraat-ka uballan qaaday Dawlad Gobolleedka Puntland.

Soo dhaweysashada Imaaraat-ka Maamul Gobolleedyada Soomaaliya ayaa u aragta Dhabar jebinta ugu muhiimsan ay Dawlada Dhexe ku legdi karto,maadaama xurguf hoose ka dhaxeyso.