Home Wararka Maanta XOG XASAASI AH: Taliye Xijaar oo xilka laga qaadayo & Rooble oo...

XOG XASAASI AH: Taliye Xijaar oo xilka laga qaadayo & Rooble oo ka hor yimid





Khilaafka soo kala dhex galay R/wasaaraha & Madaxweyne Farmaajo ayaa salka ku haya isbadel la sheegay in la doonayo Taliyeyaasha ciidamada Qaranka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ka hor yimid in xilligaan marxalad kala guur ah dalka ku jiro isbadel ciidan la sameeyo.

Rooble waxa uu sheegay in Taliyaha Booliska iyo Agaasimaha NISA aysan hadda mudneyn shaqada laga bedelo oo qof cusub la magacaabo.

General Cabdi Xasan Xijaar ayaa la sheegay in la qorsheeyey xilka qaadis uu Farmaajo soo jeediyey Balse Rooble ayaa ka caga jiidaya in taas uu aqbalo kadib talo soo jeedin lala wadaagay.

Sidoo kale waxa Xijaar lagu dhaleeceeyey inuu ka hor yimid qorshe uu madaxweyne farmaajo damacsanaa taas oo lala rabay fuliyo.

General Asad Diyaano oo la tartamay Siciid Deni 2019-kii doorashadii Puntland ayaa waxa hadda uu kusugan yahay Muqdisho,Farmaajo ayaana la raba Xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya.

Arinta Doorashada Federaalka ayaa isha lagu hayaa waxaana macquul ah in dib looga dhaco xilliga loo ballamay maadaama kala aragti duwanaashiyo cusub ay soo korortay.

 




Source link