Home Wararka Maanta XOG: Waanwaantii ugu danbeysay oo laga dhex wado khilaafka Doorashada ee RW...

XOG: Waanwaantii ugu danbeysay oo laga dhex wado khilaafka Doorashada ee RW Rooble iyo Cabdi Xaashi

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu soo warramayaa inuu bilaabay dadaallo xal loogu raadinayo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada garab ee guddiga gobollada waqooyi.

Wararka ayaa sheegaya in haatan dadaallo ay ka socdaan xafiiska ra’iisul wasaaraha, si xal waara looga gaaro is jiid-jiidka u dhexeeysa xubnaha guddiga maamulaya doorashada kuraasta labada Aqal ee ka imaaneysa Somaliland, kuwaas oo ay soo kala magacaabeen ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kasloonyahay ayaa Badweytims  u sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu doonayo in arrinta si hoose loo dhammeeyo, isla-markaana labada garab ee is haya ay kala qaataan labada xil ee ugu sarreeya, sid guddoomiye iyo sidoo kale ku xigeen.

Wada-hadallada haatan billowday ayaa kusoo aadaya, xilli maanta oo ay tahay 7 August ay ku beegan tahay waqtigii loo asteeyey qabashada doorashada hoggaanka guddiga Somaliland.

Afarta xubnood ee uu soo magacaabay Cabdi Xaashi ayaa dhanka kale wacad ku maray in aysan ka qeyb-geli doonin doorashada, iyagoo soo bandhigay shuruudo  ay tahay in la fuliyo.

Rooble ayaa horey uga noqday doorashadii dhacday ee hoggaanka guddigan, kadib markii ay cabasho ka keeneen xubnaha garabka Cabdi Xaashi ee guddiga ku jira, kuwaas oo weli iyagu ku doodayo in aan xal loo helin tabashadooda ku aadan hoggaanka guddigaasi.

Sii socoshada khilaafkan ayaa uga sii daraya xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, maadaama haatan la bilaabay doorashada Aqalka Sare.

 

Source link