Home Wararka Maanta XOG: Sidee Al shabaab ku ogaadeen dhaqdhaqaqa Taliye Farxaan Qaroole?

XOG: Sidee Al shabaab ku ogaadeen dhaqdhaqaqa Taliye Farxaan Qaroole?

Agaasimaha machadka Hiraal Xuseen Macalin Maxamuud oo wareysi gaar ah siinayay Telefisihinka Universal ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyay qaraxii Muqdisho lagula eegtay shalay Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir Farxaal Qaroole.

Waxa uu sheegay Agaasimaha in Al shabaab ay si dhaw ula socdaan dhaqdhaqaaqa Taliyaha islamarkana ay ka war hayeen xiliga uu soo baxay iyo gaariga uu saarnaa, xogtaasna waxa uu ku tilmaamay mid daqiiq ah.

Dhanka kale waxa uu hoosta ka xariiqay agaasimaha machadka daraasadka amniga ee Hiraal Xuseen Macalin in Al shabaab ay sirdoon ku dhex leeyihiin ciidamada Booliska kuwaa oo gacan saar la leh argagxsada, islamarkana ay ogyihiin halka uu dagan yahay.

Sababaha ugu waa weyn ee Al shabaab u xoojiyeen qaraxada ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho oo saameyn leh ayaa waxa uu ku sheegay iney tahay weeraradadii cirka ee Mareykanka la eegan jiray Al shabaab oo meesha ka baxday.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in weeraradas aysan u suuragelin banaadirsom Al shabaab iney baabuur qaraxyo ah diyaariyeen maadama ay dhuumasho iyo gambad ay ku jiraan.

Ugu dambeyntii waxa uu Xuseen Macalin sheegay in Al shabaab halistooda ay wali taagantahay islamarkana loo baahanyaay weerar cir iyo dhul ah in lagu qaado si looga adkaado.

 

Source link