XOG: Qatar oo Muqdisho dib uga bilowday qorshe halis ku ah dhalinyaradda

Dowladda Qatar ayaa waxay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ay dib uga bilowday qorshadda dhalinyaradda, sidda ay xaqiijiyeen illo xog ogaal ah.

Qorshahaas oo khatar ku ah dhalinta Soomaaliyeed ayaa ah mid askareyn ah, isla markaana marka hore loo sheegayo in shaqo la siinayo.

Balse waxaa la aaminsan yahay in marka ay tagaan waddankaas loo sheego in aysan jirin shaqadda ay qaadan doonan tababar ciidan.

Warar la xaqiijiyey ayaa xaqiijinaya in xukuumadda Dooxa ay uga dan-leedahay arrintaas in ay isaga difaacdo weerar kaga imaada Sacuudiga.

Qatar ayaa waxaa haatan uu xilfaatan xoogan uu kala dhaxeeyaa wadamo Carbeed oo ay kamid yihiin Imaaraadka, Baxreyniyo, Kuwait iyo Masar.

Dowladda Soomaaliya ayaa si dadban waxay ula safatay Dooxa oo la rumeysan yahay in ay dhaqaalo ku bixisay guushii Farmaajo ee doorashadii Febraayo.

Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha sirdoonka Soomaaliya, ayaa ah ninka ugu awooda dowladda Farmaajo oo mashruucan qeyb weyn ku leh.