XOG: Puntland Oo Dhabarka Ka tooganeysa Dawlada Dhexe iyo Dagaal Qaboow Oo Durba Bilowday

Muran Siyaasadeed ayaa soo baxay oo ka dhex aloosamay Dawlada Federaalka Soomaaliya & Dawlad Gobolleedka Puntland,kaas oo la sheegay in uu abuurmay maalmo ka hor.

Wareegto ayaa kasoo baxday Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa dhawaan waxa uu ku mamnuucay in Xafiiskiisa Aan Lasoo booqan Karin.

Xurgufta jirta waxay ka dambeysay markii la isku af fahmi waayey sida ay Lacag ahaan Uqaadaneyso Puntland oo ay dalbatay in la kordhiyo.

Madaxda Dawlada Dhexe ayaa ka biyo diiday Qorshaha Siciid Dani taas oo la rumeysan yahay in wax badan oo la iskula qaban lahaa ay hor istaagi karto.

Xafladii Caleemo Saarka aheyd Ee Madaxweyne Dani oo kulmisey Mas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin Mucaarad isku ahaa,hadana waxay Puntland muujisey inaysan awood gaar ah in lagu tiigsado ogolaan doonin.

Isku shaandheyn la filayo Golaha Wasiirada Soomaaliya in lagu sameeyo ayey Dalbatay in ay ka hesho saami fiican Dawlad Gobolleedka Puntland oo Siyaasiyiin ay wadato Wasiirnimo ay la rabto.

Tani waxay sii kordhineysaa Xaalad Siyaasadeed oo Hor leh oo Hadda ka dhex bilaabatay madaxweynaha Bisha keliya Dooran Ee Puntland Siciid Dani iyo Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya.