XOG: MD Farmaajo oo dacareeyay Heshiiskii RW Rooble & Mucaaradka + Qorshe cusub

 

Khilaaf culus ayaa markale ka dhex curtay mucaaradka Dowladda Federaalka oo maalin heshiis nabadeyn ah ku dhexmaray Hotel Decale ee magaalada Muqdisho.

Heshiiska oo uu garwadeyn ka yahay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa durba u muuqanaya mid sii bur burmaya, maadama mucaaradka ay ku eedeyeen madaxweyne Farmaajo inuu carqaladeynayo Heshiiskii Hotel Decale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalinta Khamiista ah oo beri ku began wuxuu shir isugu yeeray maamul goboleedyada kaas oo lagu dhammeystirayo heshiisyadii horay loo gaaray si Doorasho xor ah loo gaaro.

Balse, mucaaradka ayaa tallabadaas u arka mid ka xireysa wadadii wadahadalada Dowladda iyo iyaga dhexmaray.

Xaalka siyaasadeed ee Muqdisho ayaa hadda degan ka dib heshiis ay wada saxiixdeen dhinacyadii siyaasadda isku hayay.

Source link