Home Wararka Maanta XOG: Liiska murashaxiinta Aqalka sare Hirshabelle oo lagu arkay Tarsan,Axmed Daaci iyo…

XOG: Liiska murashaxiinta Aqalka sare Hirshabelle oo lagu arkay Tarsan,Axmed Daaci iyo…

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa saacadaha soo socda soo gudbin doona liiska murashaxiinta utartameysa golaha Aqalka sare ee deegaanada Hirshabelle laga soo dooran doono.

Cali Guudlaawe ayaa soo dhameystiray wadatashiyo uu sameenayey maalmihii lasoo dhaafay taas oo keentay in uu liiska diyaariyo.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadoow (Axmed Daaci) ayaa lagu arkay Magaciisa liiskaasi si kursiga Muuse Suudi yalaxoow kula tartamo,isaga iyo Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo Nabad iyo nolol ay wadato.

Kursiga Muuse Suudi oo Beesha Abgaal daa’uud isha ku wada hayaan ayaa ah mid aad loogu dagaalami karo iyadoo Yalaxoow soo laabashadiisa ay adag tahay maadaama mucaarad uu ku ahaa Nabad iyo nolol.

Sidoo kale Kursiga Dr Dufle ayaa waxaa kula tartami doona Safiirka Soomaaliya ufadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Cali Guudlaawe ayaa Maxamed Kulmiye wata si uu meesha uga saaro Kursiga Beesha Gaal jecel oo hore Senetor Naciimo Ibraahim Yuusuf ugu fadhisay.

1:Maxamed Kulmiye:
:Naciimo Ibraahim Yuusuf

2:Dr Cismaan Maxamed Dufle:
: Amb Maxamed nuur tarsan

3:Xasan Muxumed Iidow
: Cabdinuur Ibraahim farey

4:Cabdulahi Sheekh Xasan
: Muuse Suudi Yalaxow
:Axmed Daaci

5:Fartuun Karaamo
: Faadimo xasan Deeq

6:Maxamed Amiin
: Abdirahman Xabad

7:Nuur Maxamuud Geedi #Canjeex
: Maxamed Cismaan dhaga juun

8:Cabdulqaadir Xaaji Xanafi
:Cabdulahi Axmed.

Sideeda Kursi ee magacooda la helay murashariinta utartamaya ayaa wax isbadeli karaan,hayeeshee xogta Badweytims  heshay ayaa sheegeysa in ay 90% sax noqon karto

 

Source link