Home Wararka Maanta XOG: Labo arin oo safarka Rooble Ee Masar u aaday & Guux...

XOG: Labo arin oo safarka Rooble Ee Masar u aaday & Guux durba ka dhashay





Dawlada Masar ayaa raadineysa qorshe cusub oo ay ku dooneyso inay saaxiib kaga dhigato Soomaaliya xilli hore istaraatiijiyad la dejiyey meel mar noqon weysay.

Dhowr mar oo hore Madaxweyne Farmaajo ayaa tegay Qaahira isagoo la kulmay dhigiisa Dlakaasi C/fitaax Al Siisii hayeeshee Farmaajo ayaa la saftay Saaxiibkiis Abiy Ahmed oo R/wasaare ka ah Dalka Itoobiya.

Wafdiga Rooble ee Qaahira tegaya ayaa waxay kala hadli doonaan Madaxda Masar arimo ubadan xiriirka udhaxeeya Soomaaliya iyo Masar.

Labo Arin oo muhiim u arkayo Madaxweynaha Masar ayaa jirta uu ka doonayo Soomaaliya Waa mida Koobaade:

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in C/fitaax Al Siisi uu rabo in galaan gal la mid ah mida dalalka Qatar iyo Turkiga uu doonayo in Soomaaliya ka sameysto.

Fiilada ayuu doonayaa inuu ku xirto Rooble oo markaan heysta awooda doorashada Soomaaliya taas oo Al Siisii uu rabo in laga jaro Soomaaliya gacan saarka ay la leedahay Itoobiya.

Mida labaad Warar kale ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Qaahira inta uu la joogo heshiis la geli doona.

 




Source link