Home Wararka Maanta Xog La Qariyey Dad lagu xir xiray garoonka garbahaareey & Qorshaha Fahad...

Xog La Qariyey Dad lagu xir xiray garoonka garbahaareey & Qorshaha Fahad Yaasiin oo..

Cabdullaahi Cabdi Jaamac & Xildhibaan Cabdullaahi Magan Bood ayaa Labaduba waxa laga hor istaagay seddexii maalin lasoo dhaafay Safar ay diyaarad ugu ambabaxi lahaayeen Garbahaareey iyagoo kusugan Muqdisho.

Xildhibaan Bood ayaa ku eedeeyey Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir inuu Garbahaareey ku xir xiray odayaal dhaqameed la doonayey in Rooble la kulmo.

Xildhibaanka oo muqdisho warbaahinta kula hadlay maanta waxa uu sheegay inaysan aqbali Karin awood sheegashada uu Fahad Yaasiin ku dhaqmayo iyo xaalada ka cusub Gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Bood in Cabdullaahi Jaamac looga yeeray Gedo si uu unoqdo Murashax utaagan Gudoomiyaha Garbahaareey oo odayaasha dhaqanka Beeshiisa ay u igmadeen.

Balse Cabdullaahi laga hor istaagay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan welina ay Xamar ku xaniban yihiin.

Ma heyno war kasoo baxay dhanka Fahad Yaasiin oo ay kaga hadlayaan eedaasi loo jeediyey ee ah inay Odayaal ku xir xireen Garbahaareey.

 

Source link