Home Wararka Maanta Xog: Farmaajo & Shariifka oo u heshiiyay Xasan Sh & Sirta Doorashooyinka

Xog: Farmaajo & Shariifka oo u heshiiyay Xasan Sh & Sirta Doorashooyinka

Xog iyo macluumaadyo cusub ayaaLaga helay MD farmaajo oo heshiis hoosaad doorashada ku saabsan la galay madaxweynihii hore ee dalka shariif sheikh Axmed.

Ka hor bilaabashada codeynta heer federal oo sanadkaan ah mid xasaasi ah waxaa soo baxaya heshiis hoosaadyo dhaxmaraya dhinacyada baadi goobka ugu jira xilka ugu sareeya dalka.

Xog ay heshay Badweynn ayaa sheegeysa in kulamo si hoose usocday maalmahaan ay hadda meel geba gabo ah marayaan kuwaas oo lagu gorfeeyay isxulufeysi doorashada daaran.

Inkasta oo siyaasada somaliya ku dhisatay daneysi iyo hadana waxa uu loolan xoogan u dhaxeeyaa Farmaajo iyo musharixiinta akle ee xilka madaxweynaha, waxana soo baxaya isfaham codeynta ku saambsan oo dhaxmaray MD farmaajo iyo xubno saameyn culus ku leh midowga murashaxiinta Mucaaradka.

Xogta ayaa tibaaxaysa in Wadahadal hoose uu dhexmaray Madaxweynihii hore Dawladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha wakhtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaas oo ku saabsan ku cida Sanadkaan hogaanka dalka qaadanaysa.

Waa ay adag tahay in laga sii hordhaco heshiiskaasi hoose ay Golaha Midowga Murashaxiinta la galeen Nabad iyo Nolol islamarkaana shirkii dhacay wax badan laga helo.

Farmaajo ayaa laga soo warinaya inuu aaminay inuusan soo laaban doonin taas badalkeeda uu jeclaan lahaa intii Xisbiga Damu Jadiid soo laaban lahaayeen in Shariifka lasoo saaro.

Daahir Geelle iyo Sheekh Shariif ayaa isku jiho ah,xilli C/raxmaan C/shakuur ay ubadan tahay hadii Shariif soo baxo uu taageero maadaama Dawladiisii uu Wasiirka Qorsheynta kasoo noqday.

Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda hogaamiya xisbga UPD ayaa Damu jadiid hogaan ka ahaa,mana cada sida ay dhabar jebinta siyaasadeed ee la wariyey usaameyn karto.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa ogolaaday heshiis iyadoo Doorashada Wareegyadeeda 1aad ama 2aad lagu heshiiyey in codka Farmaajo loosoo wareejiyo dhanka Sheekh Shariif.

Xogtaan oo ah mid aad uxasaasi ah ayaana weli Himilo Qaran aysan ka hadlin waxyaabaha lasoo tebiyey iyo inay xaaladu noqon doonto mid banaanka timaada wakhtiyada soo aadan.

Source link