Home Wararka Maanta XOG: Doorashada Aqalka Sare ee Puntland oo dib u dhacday “Xogta Kulankii...

XOG: Doorashada Aqalka Sare ee Puntland oo dib u dhacday “Xogta Kulankii Deni & Guddoonka G/Wakiilada”

Warar hoose oo soo gaaray Warsidaha PuntlandTimes ayaa daaha ka rogaya in kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweynaha Puntland & Guddoonka baarlamaanka looga wada hadlay arrimaha ku saabsan doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Puntland, taas oo laga sugayo in uu musharaxiintooda soo magacaabo Madaxweyne Deni.

Xogta ayaa sheegaysa in labada dhinac kulanka dhexmaray oo saacado qaatay looga wada xaajooday habraacyada la marinayo xubnaha & xataa sida saami qeybsiga ee loo wajahayo, xili ay soo baxayaan culeyso Madaxtooyada ka haysta kuraasta qarkood, sidii loo maareyn lahaa.

Qoondada Haweenka ayaa qeyb ka ah cadadisyada taagan ee kuwajahan xubnaha Aqalka Sare, iyadoo ay dooda ugu badan hadda tahay sida loo qeybinayo Kuraasta beelaha ay kamid yihiin gobalada Mudug & Nugaal oo xiiso gaar leh.

Xogta ayaa cadeynaysa in Madaxweyne Deni u sheegay xubnaha Guddoonka in uu liiska soo saari doona 5ta August wixii ka dambeeya, taas oo uu sheegay in ay xooga ku saarayaan sidii loo kala xuli lahaa kala doorashooyinka xubnaha kala duwan ee ilaa hadda soo gaaraya.

Sidaas oo kale guddiga baarlamaanka Puntland ee qabanqaabinaya doorashada oo lafilayay in maanta la magacaabo ayaa dib u dhacday, sida ay cadeynayaan ilo xogogaal ah, waxaana guddoonka laftirkiisu ay isku fahmi la’ayihiin sidii xubnahaas loo magacaabi lahaa.

Madaxtooyada ayaa doonaysa in xildhibaanada qabanaya doorashadan iyo nooca loo qabanaya ay noqoto mid markale ay dhinacyadu dib u eegan Habraaceeda, gaar ahaana in Qarsoodi codka laga dhigo iyo gacan taag loogu codeeyo xubnaha Aqalka Sare, iyadoo la raacayo casharadii siyaasadeed ee horey looga bartay doorashadii dhacday 2016-kii oo qarsoodi ahayd.

Jadwalka doorashada ayaa sida muuqata dib u dhac wajahaya, waxaana xubnaha Aqalka Sare la doonayey in lasoo saro ka hor dhammaadka bishan, iyadoo lafilayay in habeenimadii xalay in Madaxweynaha Puntland Siciid Deni soo gabagabeeyo xulashada musharaxiinta u sharaxayo Aqalka Sare.

 

Source link