XOG CUSUB: Axmed Madoobe iyo Imaaraadka oo galay Heshiis halis ku ah shacabka jubland iyo..

Nairobi (Banaadirsom)-Warar Hoose oo ay heshay Wakaalada Banaadirsom.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” uu Heshiis ku saabsan Maalgalinta Doorashada kusoo wajahan la galay Xubno ka socda Dowlada Imaaraadka.

Axmed Madoobe oo Xubnahan kula kulmay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa kala hadlay sida Imaaraadka Carabta kaga taageeri karo in markale uu kusoo laabto Kursiga Madaxweynaha Jubbaland, iyagoona hoosta ka xariiqay Heshiisyo ay wada galeen.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Dagaal adag oo hoggaaminta Doorashada ah kula jirta Axmed Madoobe,wuxuuna ka biyo diiday in Dowlada Dhexe ay soo faragaliso Arrimaha Doorashada Jubbaland, wuxuuna dadaal ugu jiraa siduu u heli lahaa Lacago badan uu doonayo inuu ku maalgaliyo Ololaha Doorashada.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa Saaxiib dhow la ah Madaxda Maamul Gobaleedyada ee Khilaafka kala dhaxeeyo Dowlada Dhexe, waxayna Muqdisho iyo Nairobi iyadoo adeegsaneysa Siyaasiyiin Soomaali ah ay ka wadaa Abaabul Xiisado loogu abuurayo Madaxda Dalka oo gabi ahaanba Xiriirka u jaray Imaaraadka.

Axmed Madoobe ayaa Dhaqaalo badan la filayaa inay kaga baxdo Doorashada soo socota ee Madaxweynaha Jubbaland Maadaama Siyaasiyiin iyo Rag Xilal sare hore Soomaaliya kaga soo qabtay la filayo inay Tartanka Doorashada ku wehliyaan Laakiin dad badan ayaa u arka haduu ku guuleysto in Villa Somalia aysan soo faragalin doorashada uu si fudud ku guuleysan doono.