Home Wararka Maanta XOG CULUS: Qaabkii Loo dilay Ikraan Tahliil Oo la ogaaday & Al...

XOG CULUS: Qaabkii Loo dilay Ikraan Tahliil Oo la ogaaday & Al Shabaab oo iska diiday…

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxa uu xog dheeraad ah ka bixiyey qaabka loo maleegay shirqoolka dilka ah ee Ikraan Tahliil oo Nabad sugida la shaqeeneysay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAHAD SALAAD SOO SAARAY

Qorshaha khaarijinta Ikraan Tahliil waxa soo maleegay Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis, fulintiisana waxaa u xilsaarnaa Yaasiin Farey!

Xog rasmi ah oo aan ka helay saraakiil sarsare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda in muddo ahna aan dabo socday xaqiijinteeda waxay sheegaysaa in mar hore la dejiyay qorshaha lagu khaarijinayo Ikraan Tahliil. Ikraan oo dalka ka maqneed markii shirqoolka loo maleegay ayaa lagu qarash gareeyay boqolaal kun oo dollar iyo balanqaadyo been ah si dalka dib loogu soo celiyo loona khaarijiyo!

Ikraan markii dalka ay ku soo laabatay isla markiiba waxaa la xaddiday dhaqdhaqaaqeeda, waxaana loo xilsaaray dabaggalka iyo la socodka Ikraan Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Yaasiin Farey. Wuxuuna ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Ikraan ay wada hadleen kahor inta uusan go’in xiriirkeeda!

Qorshaha khaarijinta Ikraan oo markii hore la rabay in la qariyo ayaa markii qoyskeeda qaylodhaantu ka soo yeertay Fahad Yaasiin isku dayay in uu Alshabaab lacag ku siiyo si ay u sheegtaan dilka Ikraan Tahliil lkn waa guul dareystay isku daygaas kadib markii ay soo farageliyeen sida la sheegay saraakiil sarsare oo Alshabaab ka tirsan qaraabo dhawna ay yihiin  Ikraan.

Sababta Ikraan in la dilo loo go’aamiyay ayaa la ii sheegay labo arimood oo aad xasaasi u ah oo ay macluumaad ka heysay, kuwaas ku saabsanaa sidii loo qorsheeyay dilkii Allaha u naxariistee Eng Yariisow oo xaafiiskiisa ay madax ka ahayd iyo arimo waaweyn oo Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis ku lug leeyihiin!

Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay  qabsadaan Qareeno dabogal iyo baaritaan ku soo sameeya shirqoolka Ikraan si looga gungaaro fal dambiyeedka dhacay, loona cadeeyo cida ka mas’uulka ah!

Hon. Mahad Salad

 

Source link