XOG CULUS: Guuldarada Axmed Madoobe & Madaxweyne Loo diyaarinaayo Jubaland

Kismaayo (Banaadirsom)-Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa lasoo sheegayaa inuu hadda wajahayo guuldaro siyaasadeed sida ilo muhiim ah sheegayaan.

Axmed Madoobe ayaa waxa la sheegay in Culeys badan uu ka wajahayo Xubno ka mid ah Jufadiisa oo Kursiga ku cariirinaya,sheegayna inay diyaar u yihiin inay Axmed Badelaan.

Waxay ku Dhaleeceeyeen inuusan Tolka iyo Deegaankaba hormarkii la filayey Axmed Madoobe gaarsiinin,sidaa ay tahayna ay ku war geliyeen inuu tartamo balse cida guusha hesho la arki doono.

Lacag Malaayiin Dollar ah ayuu Axmed Islaam Madoobe kol hore udiyaarsaday Doorashada,balse waxa uu muujinayaa walaac ah in loo heshiiyey si doonta loola gediyo.

Warar ay Warqaad Heshay ayaa sheegaya in C/rashiid Maxamed Xiddig uu helay Kalsooni badan oo dhanka Dawlada Dhexe ah islamarkaana Siyaasiyiin badan ay durba bilaabeen inay ka ag dhawaadaan si ay uga xod xotaan hadii uu kursiga ku fariisto inuu xilal muhiim ah ku safo.

Tani waxay diyaar garoow badan ugu jiraan Siyaasiyiin Xildoon u ah Kasoo dhex muuqashada Jubbaland Maamulka Cusub Ee Augusto Kadib lasoo dhidbayo.

Mala saadaalin karo Mala awaalka ku socda Doorashada iyo sida uu xaalka noqon karo,taas oo la sheegayo in Hardanka ugu badan uu ka socdo iminka Magaalada Nairobi Ee Caasimada Nairobi oo Olole Badan laga wado.