Home Wararka Maanta XOG: Cabdi Xaashi oo waayey garabkii dagaalka geliyey ee murashaxiinta mucaaradka

XOG: Cabdi Xaashi oo waayey garabkii dagaalka geliyey ee murashaxiinta mucaaradka

Sida muuqata Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa dhex fadhiya dagaal keligiis ah uu la galayo nabad iyo nolol.

Waxa uu waayey Xaashi garabkii uu ka rabay Murashaxiinta mucaaradka kuwaas oo markii hore usacba tumayey balse hadda hiilkii uu mudnaa aysan siin.

Sheekh Shariif,Xasan Sheekh iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayuu ugacan haatinayey maalmo ka hor balse habeen hore Shacabka Soomaaliyeed ayuu miciin biday si ay utaageeraan.

Dhinacyada ayaa waxay ku mideysnaayeen Madasha Bad baado qaran oo Cabdi Xaashi gudoomiye looga dhigay balse waxay hadda xaaladu umuuqataa mid lagu kala tegay.

Isagoo ka hadlayey kulamo kala duwan ee muqdisho ayuu Cabdi xaashi Cabdullaahi sheegay in aysan ka hari doonin qadiyada uu aaminsan yahay.

Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa aysan suurta gal aheyn in mar kale is hor fadhiistaan Rooble iyo farmaajo xilli maanta go’aan laga gaarayo buuqii uu wajahayey.

Eedeyn ayey garabka Mahdi guuleed kala kulmeen saaxiibada xaashi,waxaana Ra’iisal Wasaare Rooble uu awood ku xalin doonaa guddiga doorashada gobollada wuqooyi,iyadoo afisiyooni lagu dooran doono Guddiga Doorashada Labada aqal ee Soomaaliland xubnaha ka imaanaya.

Lama saadaalin karo go’aanka uu qaadan doono Xaashi oo laga yaabo in uu Rooble isku loogo oo kursigiisa dib usoo laabashada iyo saaxiibo uu wato loo soo saaro,sidaana ku damiyo buuqa uu wado.

 

Source link