Home Wararka Maanta XOG: Bashiir goobe oo qaaday tallaabo halis gelineysa Yaasiin Fareey & Waxa...

XOG: Bashiir goobe oo qaaday tallaabo halis gelineysa Yaasiin Fareey & Waxa soo kordhay

Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo loo yaqaano Bashiir Goobe ahna Agaasimaha KMG-ka ah ee NISA , ayaa lacago badan ka jaray askarta iyo saraakiisha NISA, si gaar ah kuwa utaabacsan Gaashaanle Sare Yaasiin C/llaahi Maxamed (Fareey).

Saraakiil kamid ah sirdoonka ayaa waxay sheegeen in dhaqaalaha laga jartay ay qeyb ka tahay gunnooyin u soo dhici jiray askarta iyo saraakiisha qaar, taasoo ay isaga dabari jireen kirooyinka guryaha ay deggan yihiin iyo howlo kale.

Xogta la helay ayaa sidoo kale sheegeysa in Talaabadan uu qaaday taliye Goobe uu ka damacsan yahay sidii uu cadaadis ugu saari lahaa askarta iyo saraakiishaan iney garabkiisa noqdaan oo ay isaga soo tegaan dhanka Yaasiin Fareey oo, hadii ay iska diidaanna uu xanibaado dhaqaale saari doono.

Saraakiisha waxay inoo sheegeen in lacagaha gunnada u soo dhici jirtay 10-ka ilaa 15-ka bisha, balse aysan weli soo gaarin, iyadoo maanta bisha ay tahay 18-ka September, waxeyna tilmaameen in si cad loogu sheegay in xanibaadahaan ay sii socon doonto ilaa ay isa soo dhiibayaan.

Saraakiil kale oo xilal sare ka haya Hay’ada sirdoonka waxey inoo sheegeen in mararka qaar uu Sarreeye Guud Bashiir Goobe uu si toos ah ula soo xiriirayo askarta iyo saraakiisha, isagoo u sameynaya ballan qaadyo uu u fulinayo hadii ay dhankiisa noqdaan.

Saraakiil inoo sheegay iney kamid yihiin dadka uu sida tooska ah ula soo xiriiray ayaa tilmaamay iney si cad ugu jawaabeen iney la shaqeynayaan hadii uu ugu yimaado xarunta NISA, ee loo yaqaano Habar Khadiijo maadaama ay iyagu joogaan oo ay ku shaqeeyaan taliska NISA.

Mar aan weydiinay bal in xanibaadan dhaqaale ay sidoo kale qeyb ka tahay mushaaraadkii bil-laha ahaa ee ay qaadan jireen, waxey ku war celiyeen ineysan garan Karin, ama ogaan karin inay saameyntaasi jiri karto maadaama xiligii bishii hore lacagta la qaadanayey uusan Bashiir Goobe taliye eheyn, balse ay taasi kala cadaan doonto marka la gaaro dhamaadka bishaan, hadiibu uu sii socdo khilaafaadka taagan.

Waxaa jirta cabsi ku aadan in hadii talaabadaan ay sii socoto ay ka dhalato in askartaan hubeysan ay dhac u geystaan shacabka iyo ganacsiyadooda, iyadoo arrimahan oo kale caadiyan looga bartay askarta marka ay dowladda ka waayaan mushaaraadkooda oo ay gadood iyo dhaq dhaqaaqyo hubeysan ka sameeyaan Xarumaha Dawlada.

Khilaafka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaal ka tirsan NISA oo la sheegay in la dilay ayaa laba garab u kala jabiyey Sirdoonka Qaranka, kuwaaso haatan leh laba taliye is diidan, waxaana gaabis ku yimid shaqadii sirdoonka oo awlaba aheyd mid iska hooseeya habkeeda shaqo iyo xuuraanka la sameyn jiray.

Gaashaanle sare Yaasiin Fareey oo uu taliyaha NISA u magacaabay Madaxweyne Farmaajo ayaa heysta xarunta NISA, Habar Khadiijo halka Bashiir Goobe oo uu magacaabay R/wasaare Rooble uu isaguna heysto maamulka maaliyada ee NISA, waana labadaasi awoodood kuwa ay kala heystaan labadaan Sargaal.

 

Source link