Home Wararka Maanta Xildhibaanada Gobalada Waqooyi ee Golaha shacabka oo war murtiyeed xasaasi ah kasoo...

Xildhibaanada Gobalada Waqooyi ee Golaha shacabka oo war murtiyeed xasaasi ah kasoo saaray doorashada

Kadib shir ay ku qaateen magaalada Muqdisho 40-Xildhibaan oo Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Gobalada Waqooyi ayaa waxa ay kaga hadleen walaaca ay ka qabaan doorashada soo socota.

War saxaafadeed kasoo baxay Xildhibaanadan ayaa waxa ay kaga hadleen Arrimaha doorashooyinka waxaana ay soodhaweeyeen dadaalada iyo hannaanka uu uwado RW Rooble iyagoo laakiin si kulul kaga soo hor jeestay guddiga gaarka ah ee doorashooyinka shaqada ay wadaan.

Xildhibaanadan ayaa nasiib darro ku tilmaamen  xildhibaanno kale oo ay sheegen in ay carqalad ku wadaan hannaanka doorashooyinka, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in aysan doonayn doorasho dalka ka dhacda oo sharciga waafaqsan.

Dhanka kale waxa ay xuseen in habraaca ay wax u wadaan iney qalad tahay islamarkan ay diidaan iney wax lagala hadlo iyagoo tilmaamay in dhowr kulan oo lala qaatay iney dhagaha ka fureesteen.

 

 

Source link