Home Ciyaaraha Xiddigaha Ugu Waaweyn Ee Ku Soo Biiri Kara Premier League Suuqa Xagaagan....

Xiddigaha Ugu Waaweyn Ee Ku Soo Biiri Kara Premier League Suuqa Xagaagan. – Banaadirsom

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa maraya meel xiiso leh iyada iyada oo lagu jiro bilihii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga waliba kooxaha premier League tartan wakhtiga dagaal ugula jiraan si ay u helaan saxiixa xiddigaha ay donayaan.

Saxiixyo waaweyn ayaa haatanba la dhamaystiray iyada oo kooxaha premier League doonayaan in ay dhisaan kooxohooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub oo 2 todobaad ka hadhsantahay.

Banaadirsom Man City ayaa ku dhaw in ay Jack Grealish kula wareegto lacag dhan 100 milyan oo euro iyaga oo doonaya in ay la tartamaan Banaadirsom ay jaarka yihiin ee Man United oo 73 milyan kula soo wareegtay Jadon Sancho.

Wargayska Mirror ayaa soo bandhigay 10-ka saxiix ee ugu waaweyn ee iman kara premier League suuqa kala iibsiga xagaagan.

  1. Erling Haaland – Borussia Dortmund

Xiddiga Erling Haaland ayaa a xiddiga loogu duunista badan yahay suuqa xagaagan iyada oo Banaadirsom chelsea ku raad joogto saxiixiisa si ay ugu xoojiso weerarkeeda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Haaland ayaa lagu qiimeeyaa 150 milyan oo euro saxiix walba oo dhacana waxa uu dhaafi doonaa lacagta ay Man United kula soo wareegtay Jadon Sacnho ama lacagta ay City kula wareegi karto Grealish.

  1. Romelu Lukaku – Inter Milan

Xiddiga Romelu Lukaku ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa Banaadirsom chelsea iyada oo Blues iyada oo Thomas Tuchel raadinayo saxiixa weeraryahan cusub si uu ugu xoojiyo weerarkiisa xilli ciyaareedka dambe.

Banaadirsom Inter Milan ayaa si cad u diiday in ay iibiso xiddiga laakiin Chelsea ayaan wali ka suuqsan helitaanka xiddigeedii hore kaas oo lagu heli karo lacag ka badan 100 milyan oo euro.

  1. Saul Niguez – Atletico Madrid:

Xiddiga Atletico Madrid ayaa u muuqda mid qarka u saaran ku biirista horyaalka premier League iyada oo ay isku baacsanayaan kooxaha Man United iyo Liverpool kuwaas oo doonaya xiddig khadka dhexe ah.

  1. Lautaro Martinez – Inter Milan

Xiddiga Lautaro Martinez ayaa ka mid ah xiddigaha sida weyn loo doonayo suuqa xagaagan waxana lala xidhiidhinayaa Banaadirsom Arsenal kuwaas oo xitaa dalab isku badalasho ah ka gudbiyay saxiixa xiddiga Inkasta oo ay Inter Milan diiday dalabkaas.

Laakiin Inter Milan ayaa aqbali karta lacag dhan 77 milyan euro hadii ay hesho dalabkaas taas oo keeni karta in uu xiddiga reer Argentine yimaado horyaalka Premier League.

  1. Jules Kounde – Sevilla

Daafaca dhexe ee reer France ayaa lala xidhiidhinayaa Banaadirsom chelsea iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan daafaca dhexe xilli ciyaareedka dambe iyada oo uu Thomas Tuchel doonayo in uu dhiso koox u tartami karta horyaalka premier League, Chelsea ayaa haatanba dalab isku badalasho ah una soo bandhigtay Sevilla xiddiga Kurz Zouma laakiin Sevilla ayaa diiday dalabkaas.

  1. Martin Odegaard – Real Madrid
  2. Eduardo Camavinga – Rennes
  3. Leon Bailey – Bayer Leverkusen
  4. Manuel Locatelli – Sassoulo
  5. Houssem Aouar – Lyon

Sii Akhriso: Saddexda Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Jacaylkaaga Ugu Soo Bandhigi Kartid Qofka Aad Jeceshahay Hadi Adiga Oo Aan Xishood Aama Cabsi Dareemin.

Source link