Home Ciyaaraha Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Kabta Dahabka 2021 Oo La Shaaciyay. –...

Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Kabta Dahabka 2021 Oo La Shaaciyay. – Banaadirsom

Waxa si Rasmi ah loo soo saaray xiddigaha u tartami doona abaalmarinta kabta dahabka ah ee sanadka 2021 iyada oo ay u tartamayaan xiddigo badan oo fiican.

Abaalmarinta ayaa ah mid la bixiyo sanad kasta waxana lau bixiyaan magaalada Monaco ee ku taala dalka france.

Abaalmarinta sanadkan 2021 waxa u tartami doona 10 xiddig kuwaas oo doonaya in ay sanadkan ku guulaystaan abaalmarinta kadib sanad cajiib ah oo ay soo qaateen.

Xiddigaha Mohamed Salah, Sergio Ramos, Lionel Messi iyo Neymar ayaa ka mid ah liiska xiddigaha u tartami doona abaalmarinta kabta dahabka ah ee sanadka 2021.

Sidoo kale Liiska xiddigaha u tartamaya waxa ka mid ah xiddigaha Sergio Aguero, Gerard Pique, Karim Benzema, Romelu Lukaku,Robert Lewandowski iyo xiddiga Giorgio Chiellini.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee ku guulaystay abaalmarinta kadib markii uu sanadkii 2020 ku guulaystay abaalmarinta kabta dahabka ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: Maxaa Dhacaya Hadii Gabadhu Diido Ninkeeda Kulanka Sariirta, Nabigeena {N.N.K.H} Ayaa Ka Hadlay.

Source link