Home Ciyaaraha Xiddiga Ku Guulaysan Doona Xiddiga Ugu Fiican Yurub Sanadka Oo La Soo...

Xiddiga Ku Guulaysan Doona Xiddiga Ugu Fiican Yurub Sanadka Oo La Soo Duciyay Ka Hor Inta Aan La Shaacin – Banaadirsom

Xiddiga xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Jorginho ayaa abaalmarinta xiddiga ugu fiican yurub sanadkan ku garaaci doona xiddigaha N’Golo Kante iyo Kevin De Bruyne sida ay baahiyeen warbaahinta Talyaaniga.

Xiddiga khadka dhexe ayaa abaalmarinta UEFA kula tartamaya xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Kante iyo xiddiga kooxda Man City ee De Bruyne iyaga oo ah 3-da xiddig ee kama dambaysta ah.

Xiddigaha Lionel messi iyo Robert Lewandowski oo sanadkii hore ku guulaystay abaalmarinta ayaa ka hadhay liiska 3-da xiddig ee ugu dambeeya waxana ay wararka Italy ka imanaya sheegayaan in uu Jorginho ku guulaysan doono abaalmarinta sanadkan.

Tuttomercatoweb ayaa werisay in ilo ku dhow UEFA ay u sheegeen in Jorginho loo magacaabi doono guuleystaha isku aadka Champions League ee Khamiista ka dhici doona Istanbul kaddib markii uu ka adkaaday Kante iyo De Bruyne.

Xiddiga 29 jirka ah aya qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay waxana uu ku wada guulaystay tartamada EURO 2020 Iyo waliba champions League oo uu kula guulaystay kooxda chelsea xilli ciyaareedkii hore.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link