Home Ciyaaraha Xiddiga Ka Dambeeya In Ay Man City U Dhaqaaqdo Saxiixa Jack Grealish...

Xiddiga Ka Dambeeya In Ay Man City U Dhaqaaqdo Saxiixa Jack Grealish Oo La Ogaaday – Banaadirsom

Banaadirsom Man City ayaa qarka u saaran saxiixa xiddiga Banaadirsom Aston Villa ee Jack Grealish kaas oo ay ka dhigayso saxiixeeda ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga iyaga oo kula wareegaya lacag dhan 100 milyan oo euro.

Xiddiga khadka dhexe ee Banaadirsom Man City ee Kevin De Bruyne ayaa ka codsaday Manchester City inay la soo saxiixato Jack Grealish ka dib markii uu ka hor yimid xiddiga kulankii Belguim iyo England ee bishii November sida ay sheegayaan wararku.

Banaadirsom Man City ayaa la filayaa in ay saxiixa xiddiga ku fadhiya 100 milyan ku dhawaaqo saacadaha soo socda laakiin waxa ay ku raad joogtay saxiixa xiddiga tan ilaa dhamaadkii sanadkii hore.

Belgium ayaa xulka England ku garaacay 2/0 kulan ka tirsanaa Nations League bishii November De Bruyne iyo Grealish ayaa ciyaaray 90-ka daqiiqo ee xulalkooda kulan ka tirsanaa Group B.

Grealish ayaana soo bandhigay qaab ciyaareed De Bruyne ku qanciyay in uu taageere u noqdo xiddiga reer England sida laga soo xigtay wargayska the Independent.

De Bruyne ayaa la sheegayaa in uu xiddiga aad ugu amaanay tababare Pep Guardiola markii uu fikirkiisa ka waydiiyay xiddiga isaga oo u sheegay in ay Banaadirsom Man City la soo saxiixato xiddiga.

Source link