Home Ciyaaraha Xiddig U Ciyaara Man United Oo Wajahaya Jeel 6 Bilod Ah, Sabab....

Xiddig U Ciyaara Man United Oo Wajahaya Jeel 6 Bilod Ah, Sabab. – Banaadirsom

Aaron Wan-Bissaka ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu kaxeeyay gaadhigiisa Lamborghini Urus xilli uu ka ganaaxnaa wadista baabuurta sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa lagu soo eedeeyay dacwad ah in uu kexeeyay baabuurkiisa 23 bishii june inkasta oo uu ka ganaaxnaa wadista baaburka.

Waxa kale oo uu wajahayaa eedeymo ku saabsan wadista baabuur isaga oo aan wax Laysan ah haysan waliba u waday si ka duwan qaabka sharciga ah.

Kiiska xiddiga ayaa maanta la keenay maxkamada Stockport Magistrates waxana la filayaa in maxkamada la soo hor taago 1 bisha September ee soo socota.

Ciqaabta ugu badan ee wadista baabuurka waa in xabsi la galo muddo 6 bilood ah ama in loo diro in uu qabto shaqo dhanka bulshada ah si uu u guto inta uu xadhigiisu yahay.

Sii Akriso: Sababaha Ay Dumarku U Doorbidaan In Ay Guursadaan Ninka Xaaska Leh Oo La Ogaaday.

Source link