Home Ciyaaraha Xiddig U Ciyaara Man City Oo Kooxdiisa Ku Riixaya In Ay U...

Xiddig U Ciyaara Man City Oo Kooxdiisa Ku Riixaya In Ay U Ogolaato Real Madrid Ama Barcelona. – Banaadirsom

Daafaca Manchester City Aymeric Laporte ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu dib ugu laabto La Liga kuna biiro midkood Barcelona ama Real Madrid.

27 jirkaan ayaa Etihad Stadium uga soo dhaqaaqay Athletic Bilbao bishii January 2018 markaas oo ay City bixisay lacagtii lagu bur-burinayay heshiiskiisa oo ahayd 57 milyan oo euro.

Laporte ayaa ahaa xiddig joogto ugu ciyaara Banaadirsom Pep Guardiola ilaa xilli ciyaareedkii hore markaas oo uu xiddiga reer Spain booskiisa u waayay xiddiga John Stones.

Sida laga soo xigtay 90mins, Laporte ayaa u sheegay wakiilkiisa inuu doonayo inuu ka tago City Kadib markii uu ka baxay qorshaha Guardiola waxana uu doonayaa ku laabashada horyaalka La Liga xagaagan.

Kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Real Madrid, oo labaduba baadi goob ugu jira daafac dhexe oo cusub, ayaa la socda xaaladda Laporte, waxana ay ku dareen liiska xiddigaha ay doonayaan suuqa xagaagan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Jirtaan Laba Wiil Hal Mar Ku Wada Jecle, Ma Doonaysaa In Aad Dooratid Midka Adiga Kuu Fiican, Habkan Fudud Ayaa Ku Caawinaysa

Source link