Home Ciyaaraha Xiddig U Ciyaara Chelsea Oo Blues Ka Hor Istaagi Kar Saxiixa Jules...

Xiddig U Ciyaara Chelsea Oo Blues Ka Hor Istaagi Kar Saxiixa Jules Kounde – Banaadirsom

Heshiiskii ay chelsea ku doonaysay saxiixa daafaca dhexe ee Banaadirsom Sevilla ee Jules Kounde ayaa halis ku jira kadib markii uu daafaca dhexe ee Kurt Zouma iska diiday in uu ka qayb ahaado heshiiska.

Chelsea ayaa Sevilla u soo bandhigtay lacag dhan 30 milyan iyo waliba Kurt Zouma si ay u hesho saxixia daafaca dhexe ee Jules Kounde inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakiin Daafaca dhexe ee chelsea Zouma ayaa iska diiday in uu ka qayb noqdo heshiiska isaga oo doonaya in uu ku biiro Banaadirsom West Ham siina joogo horyaalka premier League.

Xiddiga Zouma ayaa doorbidaya in uu ku biiro West Ham halkii uu ku biiri lahaa Banaadirsom Sevilla kana qayb noqon lahaa heshiiska ay chelsea ku doonayso daafaca dhexe ee Jules Kounde.

Tababaraha Banaadirsom chelsea ee Thomas Tuchel ayaa Kounde u arka xiddig wax weyn ku soo kordhin kara kooxdiisa waliba xoojin kara kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uu Gacaliyahaagu Maalin Walba Kuu Qaado Jacayl Ka Weyn Midkii Hore, 5-tan Kalmad Adeegso Mar Kasta, Indhihiisa Ayuu Kaa Jeclaanayaa.

Source link