Home Ciyaaraha Xiddig Muhiim U Ah Xulka England Oo Seegay Tababarka Ka Hor Final-ka...

Xiddig Muhiim U Ah Xulka England Oo Seegay Tababarka Ka Hor Final-ka Euro 2020 – banaadirsom

Phil Foden ayaa seegay tababarkii ugu dambeeyay ee England ka hor finalka Euro 2020 ee ay la ciyaarayaan Italy fiidnimadii Axada.

Xiddigaha Gareth Southgate ayaa diyaar garowgoodii ugu dambeeyay ku sameeyay garoonka St George’s Park subaxnimadii sabtida ka hor kulankooda Wembley.

Laakiin Foden, oo laba kulan ku bilowday kulamada xulka qarankiisa England ee tartanka ayaa ka maqnaa tababarka sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay waxana laga reebay tababarka.

Xiddig kasta oo xulka England oo uu ku jiro Foden ayaa dhanka kale ku baasay tijaabadii xanuunka Koroan ka hor kulanka adag ee Axada.

Foden ayaa ku bilowday kulankii ugu horeeyay ee uu xulka England guusha 1/0 ah ka gaadhay Croatia isaga oo sidoo kale ku bilowday kulankii 1-aad ee Scotland.

 

Source link