Home Ciyaaraha Xiddig Muhiim U Ah Arsenal Oo Seegi Doona Kulanka Chelsea, Sabab –...

Xiddig Muhiim U Ah Arsenal Oo Seegi Doona Kulanka Chelsea, Sabab – Banaadirsom

Kooxda Arsenal ayaa laga yaabaa in ay waayi doonto adeega daafaca dhexe ee Ben White kulanka ay maanta la ciyaari doonto chelsea horyaalka premier League.

Xiddigii hore ee Brighton ayaa kulankiisii ugu horeeyay u saftay Arsenal kulankii Brentford laakiin waxa uu soo qaatay habeen aan fiicnayn.

Arsenal ayaa xanuunka korona ku wayday xiddigo muhiim ah kulankii Brenford, sida laga soo xigtay wargayska Football Lonon, White aya ka tagay tababarka jimichii isaga oo aan qaadan.

Xiddiga ayaan ku soo laaban tababarka sidoo kale sabtidii isaga oo ay ugu dambaysay Jimcihii taas oo la macno ah in uu seegi doono kulanka Arsenal inkasta oo aan la xaqiijin.

Daafaca dhexe ee Ben White ayaa looga shakisan yahay xanuunka Korona arintaas ayaana sabab u noqotay in uuna tababar qaadan jimcihii iyo sabtidii ka hor kulanka chelsea ee maanta.

Sii Akhriso: Faah-Faahino Yar Oo Ay Gabadha Uga Fiirsato Ninka Kulankooda Ugu Horeeya, Iska Sax Arimahan Ninow.

Source link