Home Ciyaaraha Xiddig Juventus U Ciyaara Oo Gabriel Jesus Ku Riixaya In Uu Kula...

Xiddig Juventus U Ciyaara Oo Gabriel Jesus Ku Riixaya In Uu Kula Biiro banaadirsom Reer Italy – banaadirsom

Daafaca reer Brazil Danilo ayaa shaaca ka qaaday inuu jeclaan lahaa inuu weeraryahanka Man City ee Gabriel Jesus kaga garab ciyaaro banaadirsom Juventus xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga 29 jirka ah ayaa Man City kaga soo biiray Real Madrid xaaagii 2017 kaliya 6 bilood kadib markii uu Jesus ku soo biiray banaadirsom iyada oo ay labada xiddig 2 sano isaga garab ciyaareed Man City.

Labada xiddig ayaa haatan xulka qaranka Brazil kala qayb qaadanaya tartanka Copa America waxana uu Danilo qirtay rabitaankiisa ah in uu Juventus xilli ciyaareedka dambe kaga garab ciyaaro Jesus.

“Dabcan, Gabriel waa xiddig fiican, waxana uu noqon karaa mid ka fiican sida haatan hadii uu Juventus yimaado”.

“Waa xiddig ay adagtahay in laga difaacdo goolka waxa aan jeclaan lahaa in uu yimaado Juventus”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Source link