Home Ciyaaraha Xiddig Arsenal Ah Oo Uu Romelu Lukaku Ka Dhigay Ilmo Yar Kulankii...

Xiddig Arsenal Ah Oo Uu Romelu Lukaku Ka Dhigay Ilmo Yar Kulankii London Derby Oo La Magacaabay. – Banaadirsom

Xiddigii hore ee xulka qaranka England ee Chris Sutton ayaa sheegay in uu xiddiga chelsea ee Romelu Lukaku u awood sheegtay daafaca kooxda Arsenal ee Pablo Mari kulankii ka dhacay Emirates ee ka tirsanaa horyaalka premier League.

Chris Sutton ayaa sheegay in uu Romalu Lukaku Ilmo yar ka dhigay daafac Kooxda Arsenal ee Pablo Mari intii uu socday kulankii London Derby ee horyaalka Premier League.

Weeraryahanka Romelu Lukaku ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankiisii ugu horeeyay kadib u soo laabashada kooxda isaga oo dhaliyay goolka 1-aad ee kooxdiisa kulankii ka dhacay Emirtaes.

“Tani waa sababta ay chelsea Lukaku uga soo bixisay lacagta”ayuu Sutton u sheegay Mail Sport.

“Waxa uu u awood sheegtay Pablo Mari, ma ahayn ciyaar isku dheelitiran, Lukaku, Mari waxa uu ka dhigay sidii ilo 12 sano jir ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan

Source link