Home Wararka Maanta Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka

Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka

Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo xubno ka tirsan guddiga.

Xasan Cali Kheyre ayaa kala hadlay Guddoomiyaha iyo xubnaha guddiyada doorashada sidii ay uga shaqeyn lahaayeen doorasho madax bannaan, hufan oo loo maro hannaan daah furan oo cadaalad iyo dhex dhexaadnimo ku dhisan.

Guddiga doorashada ayaa waxa ay u balanqaadeen musharax Kheyre inay dalka ka qaban doonaan doorasho cadaalad ah oo ka madax bannaan eex iyo qof jecleysi.

Waa kulankii u horreeyay oo dhex mara Musharax Madaxweyne iyo Guddiga doorashada heer Federaal ee hoggaankooda dib loo doortay, taasoo ah bilow wanaagsan oo madax bannaanimo leh, kaddib wixii ka dambeeyay tan iyo markii la kala shaandheeyay Guddigii doorashada lagu muransanaa.

Source link