Home Wararka Maanta XASAASI: Abiy Ahmed Oo ciidankiisa kusugan Soomaliya amray inay isaga baxaan

XASAASI: Abiy Ahmed Oo ciidankiisa kusugan Soomaliya amray inay isaga baxaan

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa usheegay Badweytims in ciidamada itoobiya lagu war geliyey inay iskaga baxayaan Soomaaliya oo ay qalabkooda xir xirtaan.

Deegaanada Bay iyo Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wararka ay sheegayan in itoobiyaanka halkaas kusugan ay iskaga baxayaan.

Ciidamada laga saarayo Soomaaliya ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa qeybta ka aheyn AMISOM ee fadhiisimaha kusugnaa deegaanada Koonfur Galbeed.

Saraakiil Soomaali ah oo kusugan Baydhabo ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arintaan balse waxay xaqiijiyeen in ay xogtaasi ka war heleen,iyadoo shalay gelinkii dambe warkaan uu suuqa soo galay.

Arintaan ayaa ah mid ka timid amar Xukuumada adis ababa ah oo ciidankaas la doonayo in la geeyo goobaha dagaalka ka socdo Itoobiya.

Meelaha sidoo kale ciidamada itoobiya iskaga baxayaan waxaa ka mid ah Gobolka Gedo oo Baardheer ay isku dileen labo askari saacado ka hor.

Dhacadada baardheere ayaa daba socotay qowmiyadaha isku haya Itoobiya oo ay Askarta isku beegsadeen sida ilo xog ogaal ah ay Badweytims usheegeen waxaana ciidamada itoobiya la qorsheynayaa in dhamaantood dalkooda ku laabtaan oo ay iskaga baxaan Soomaaliya bilo gudahood.

 

Source link