Home Wararka Maanta Xagee Awooda Cusub Ahlusuna ka keentay ay dib iskugu soo hubeneyso?

Xagee Awooda Cusub Ahlusuna ka keentay ay dib iskugu soo hubeneyso?

Dib ayey isku soo hubeyneysaa Ahlusuna Waljamaaca si ay ula wareegaan awoodoodii gobollada dhexe ay muddo ka ariminayeen.

Ahlusuna ayaa hogaankeedii laga saaray guriceel iyo dhuuso mareeb waxay hadda kusugan yihiin deegaanka huurshe oo ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan.

Ilo wareed ayaa sheegaya in hubka uu hayo general Mascuud Maxamed Warsame oo hore u ahaa Ahlusuna markaan isku dayayo inuu aqbalo baaqa culimadiisa kaga yimid.

Inkastoo uu hore udiiday in la astaameeyo gaadiidka ahlusuna laheyd uu gacanta ku hayo ayaa waxa hadda socda kulamo la rabo in hubkoodii Ahlusuna dib uhelaan oo ay uqabsadaan iyagoo isa soo hubeeyey Dhuuso mareeb,Guriceel iyo Matabaan oo ah seddex meel ay aadka ugu xooganaayeen.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo dhawaan dib ugu laabtay gal gaduud ayaa waxa la sheegay inuu dejiyey istaraatiijiyad ay dib ugu qabsanayaan Caasimada Galmudug.

Madaxweyne Axmed Qoor qoor oo hadda kusugan Xamar ayaa ka feejigan weerar dib rogaal celin ah ay soo qaadaan Ahlusuna isagoo ka digay dhaq dhaqaaqyada ay wadaan.

Shacabka Dhuuso mareeb iyo kuwa Guriceel ayaa taageero buuxda u haya Culimada Ahlusuna oo iyagu 2009 al Shabaab ka xoreeyey Gobollada dhexe gaar ahaa Labadaasi magaalo.

Hadaba waxaa xogo soo baxay ay sheegayaan in Dawlada Iskutaga Imaaraatka Carabta ay hub iyo dhaqaale ku bixineyso sidii ay magacii Ahlusuna usoo nooleyn laheyd.

Waxa ugu weyn ee ahlusuna u ordayaan ayaa ah in Mansabkii siyaasada ay lumiyeen Sanad iyo bar ka hor awoodii loo sheegtay in dib uhelaan oo ay kuraas & Talo wadaag ku yeeshaan Dawlada Cusub ee loo soo dhisayo Soomaaliya.

Sheekh C/risaaq Al Ashcari ayaa ka mid ah Saraakiisha dhawaan dib loogu arkay gobolka Gal gaduud waxaana laga digayaa in mar kale dagaal Ahlusuna iyo Dawlada Dhexe ku dhexmaro dhuuso mareeb oo ah Caasimada Maamulka Galmudug.

 

Source link