Home Wararka Maanta Xaaf Oo maanta la tegay hub culus dhuuso mareeb & Qoor qoor...

Xaaf Oo maanta la tegay hub culus dhuuso mareeb & Qoor qoor uu laga yaabo inuu…





Madaxweynihii hore ee Maamul gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa waxa uu maanta gaaray Magaalada dhuuso mareeb Ee caasimada Galmudug.

Ciidamo hubeysan oo watay hub culus ayaa soo dhaweeyey Xaaf waxaana uu utaagan yahay Xilka Murashaxnimada Aqalka sare.

Xaaf ayaa waxa uu tartan adag la geli doonaa Cabdi Xasan Cawaale (Qeyb diid) oo hadda kursiga loo tartami doono ku fadhiya.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa waxa uu dhawaan soo gudbin doonaa liiska murashaxiinta utartameysa Aqalka sare iyadoo laga yaabo in Xaaf laga reebi murashaxiinta.

Qoor qoor iyo Xaaf ayaa dagaal muddo uu ka dhex jiray waxayna taas sababi kartaa in uu hor istaago hamiga aqalka sare uu doonayo.

 




Source link