Home Ciyaaraha Willian Oo Milix Sii Mariyay Dhaawaca Arsenal Kadib Guuldaradii Chelsea. – Banaadirsom

Willian Oo Milix Sii Mariyay Dhaawaca Arsenal Kadib Guuldaradii Chelsea. – Banaadirsom

Willian ayaa milix sii mariyay dhaawaca Arsenal kadib markii uu “Like” saaray dabaal dagii Chelsea kadib guuldaradii ay kala kulantay Blues.

Kooxda Chelsea ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay Arsenal iyaga oo xaalka ku sii xumeeyay Arsenal iyo taageerayaashooda kulan ka dhacay garoonka Emirates kana tirsanaa horyaalka premier League.

Xiddigaha Romelu Lukaku iyo Reece James ayaa chelsea u dhaliyay labada gool qaybtii hore ee ciyaarta taas oo la macno ah in ay Arsenal bilaa guul tahay ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Xiddiga reer Brazil ee Willian ayaa seegay kulanka sabab la xidhiidha xanuunka Korona laakiin waxa uu si weyn uga dhex muuqday baraha bulshada kadib guuldaradii Arsenal.

Xiddiga Willian ayaa “Like” Saaray dabaal dagii xiddigaha chelsea taas oo ka xanaajisay taageerayaasha Kooxda Arsenal oo markii horeba ku kacsanaa xiddiga reer Brazil.

Sii Akhriso: Faah-Faahino Yar Oo Ay Gabadha Uga Fiirsato Ninka Kulankooda Ugu Horeeya, Iska Sax Arimahan Ninow.

Source link