Home Wararka Maanta Weerar nuuc cusub ah oo maanta lagu qaaday saldhig Al Shabaab lahaayeen

Weerar nuuc cusub ah oo maanta lagu qaaday saldhig Al Shabaab lahaayeen

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  ee 260aad Guutada 9aad Qaybta 60aad CXDS ayaa Maanta waxay weerar ku qaadeen Fadhiisamo Alshabab Ay Ku lahaayeen Tuulooyin Hoos yimaada Degmda Waajid ee gobolka Bakool.

Howlgalka ayaa ahaa Mid lagu safiyneyo Nabadiidka Alshabab  inta Howlgalka Socodey ayaa waxaa ka dhashey Dagaal Foolka Fool ah  kaasi oo ka dhashey Khasaaro isugu jirta dhimasha iyo Dhaawac.

Taliyaha Guutada 9aad  Gaashanle Cali Xabad iyo Taliyaha Ururka 260aad Gutada 9aad qaybta 60aad G/Maxamed Nuur Maxamed  ayaa ka warbixiyey  Howlgalka Qorsheysan ay Fuliyeen Maanta iyo Dagaalka khasaaraha Xoogan ay ku gaarsiiyeen Alshabaab.

Ma jirto war kasoo baxay dhanka al shabaab oo ay kaga hadlayaan khasaaraha ka dhashay weerarkii ka dhacay maanta Waajid.

 

Source link