Home Ciyaaraha Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka London Derby Ee Xiisaha Leh...

Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka London Derby Ee Xiisaha Leh – Banaadirsom

Kulanka ugu xiisaha badan todobaadkan premeir League ayaa dhexmari doona kooxaha Arsenal iyo chelea kulan ka dhici doona Emirates Stadium kana tirsan todobaadkii 2-aad ee premier League.

Kooxda Chelsea ayaa kulanka soo galaysa in ay sii wado guulaha premier League kadib markii ay kulankii hore garaaceen kooxda Crystal Palace iyo in ay sii wadaan qaab ciyaareedkooda fiican.

Dhanka kale Arsenal oo guuldaro ku bilaabatay xilli ciyaareedka ayaa doonaysa in ay gaadho guusheedii ugu horaysay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyo in ay ku soo laabtaan wadada guulaha.

Kulanka: Arsenal Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:30

Garoonka: Emirates Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Arsenal ayaa bartilmaameedsanaysa guushii saddexaad oo xiriir ah oo ay ka gaarto Chelsea markii ugu horreysay tan iyo bishii February 2004.

Gunners ma aysan garaacin Chelsea mid kasta oo ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee ay wada ciyaareen maalin Axad ah tan ilaa bishii November 2008 markaas oo ay ka gaadheen guul 2/1 ah.

Chelsea ayaa badisay afartii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee ay marti ahayd kulamada London Derbies markii ugu dambaysay ee ay badiso 5 kulan oo xidhiidh ah waxa ay ahayd intii u dhexaysay anuary 2005 ilaa January 2006 markaas oo uu Jose Mourinho hogaaminayay kooxda.

Goolhayaha Chelsea Edouard Mendy ayaa shabaqiisa ilaashaday Premier League 10 kulan waana in ka badan Goolhaye kasta tan ilaa markii uu thomas tuchel tababaraha u noqday chelsea bishii january.

Sii Akhriso: Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn.

Source link