“Wax Waali Ah Ma Dalbanayo”:-Mohamed Salah Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Liverpool – Banaadirsom

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Liverpool isaga oo fariin u diray kooxdiisa.

Liverpool ayaa wadahadalo kula jirtay Mohamed Salah si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga laakiin ilaa haatan kooxda ayaan wax horumar ah ka samayn arintaas.

Heshiiska Mohamed Salah ee Liverpool ayaa dhici doona xagaaga 2023 xiddiga ayaana marar badan ku cel-celiyay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda Liverpool.

Salah oo waraysi siinaya GQ ayaa yidhi”Waxa aan haatan Liverpool joogaa sanadkii 5-aad, si fiican ayaan u garanayaa kooxda, waan jecelahay taageerayaasha, iyaguna way i jecelyihiin”.

“Waxa aan doonayaa in aan sii joogto kooxda laakiin arintaas aniga iguma xidhna, kooxda ayay ku xidhantahay, way ogyihiin waxa aan doonayo”.

“Anigu wax waali ah ma dalbanayo”ayuu hadalkiiisa sii raaciyay.


Source link