Home Wararka Maanta Wasiir saaxiib dhow la ah Farmaajo oo weerar culus ku qaaday MD...

Wasiir saaxiib dhow la ah Farmaajo oo weerar culus ku qaaday MD Deni iyo xog shaaca oo ka qaaday

Dagaal Siyaasadeedka udhaxeeya Siciid Deni iyo Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa cirka isku sii shareeraya.

Deni ayaa geed dheer iyo mid gaaban sanadkaan u koraya hor istaaga beesha warsengeli daarood inay doortaan Jamaal Kursiga Xildhibaanimo.

Waxa uu xitaa Madaxweyne Deni lacag ku bixiyey sida la sheegay in Jamaal loo diido soo laabashada Xildhibaanimada golaha Shacabka Soomaaliya.

Wasiir Jamaal Xasan ayaa qoraal uu maanta soo dhigay Twitter-kiisa ku weeraray Siciid Deni isagoo yiri:

“Musharrax madaxweyne maadaama uu yahay Deni waa in uu faraha kala baxaa arrimaha doorashada, kama aamusnaan karno….. wuxuu dib ugu dhigey ku dhawaaqista musharraxnimadiisa si uu saameyn ugu yeesho doorashooyinka ka dhacaya Puntland”.

Dad badan oo siyaasada odorosa waxay sheegeen in tani Jamaal uu banaanka keenay tahay murashaxnimada Deni uu kala baqanayey maalmihii dambe xukunka dalka ugu sareeya uu doonayo sanadkaan.

Source link