Home Ciyaaraha WARBIXIN:Ronaldo, Messi, Ibrahimovic & Saxiixyadii Ugu Fiicnaa Ee Ay Arsenal Seegtay (Qaybta...

WARBIXIN:Ronaldo, Messi, Ibrahimovic & Saxiixyadii Ugu Fiicnaa Ee Ay Arsenal Seegtay (Qaybta 1-aad). – Banaadirsom

Banaadirsom Arsenal ayaa taariikhdeeda la soo saxiixatay xiddigaha ugu fiican adduunka sidoo kale waxa ay seegeen xiddigo kale oo ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka.

Xiddiga Thierry Henry ayaa ka mid a saxiixyada ugu fiican ee ay Arsenal samaysay taariikhdooda laakiin waxa jira xiddigo ka badan inta ay la soo saxiixatay oo ay wayday saxiixooda.

Hadaba maanta waxa aan qaybta 1-aad ku soo bandhigi doonaa 25-kii saxiix ee ugu fiicnaa ee ay Arsenal wayday saxiixooda inkasta oo ay ku dhaaatay.

1.Cristiano Ronaldo

Banaadirsom Arsenal ayaa aad ugu dhawaatay saxiixa xiddiga Cristiano Ronaldo sanadkii 2003 markaas oo uu Arsene Wenger wax walba u sameeyay sidii uu u keeni lahaa xiddiga Emirates, laakiin Man United ayaa ku garaacday saxiixa xiddiga kadib markii uu Sir Alex Ferguson xiddiga ka afduubtay Arsenal.

2.Lionel Messi

ma ahan wax fiican in aad ahaato taageere Arsenal ah marka aad akhrinayso wararkan laakiin waxa fiican marka aanad ahayn taageere Arsenal ah maadama aad ku raaxaysanayso fashilka Gunners kuwaas oo ku fashilmay in ay helaan saxiixa xiddiga Lionel Messi markaas oo uu jiray 16 sano jir waliba Wenger aad u doonayay saxiixiisa laakiin xiddiga ayaa sii joogay Barceloa waliba Halyeey ka noqday.

3.Ronaldinho

Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in uu sanadkii 2001 isku dayay in uu la soo saxiixdo Ronaldinho, Markaas oo uu Ronaldinho jiray 20 sano waliba dhaliyay 72 gool 145 kulan laakiin Banaadirsom PSG ayaa saxiixa xiddiga ku garaacday saxiixa sabab la xidhiidha in uu u baahnaa warqada shaqo maadama uuna kulamo badan u ciyaarin xulkiisa Brazil.

4.Zlatan Ibrahimovic

Arsenal ayaa sidii caadada ahayd ku dhawaatay saxiixa xiddigan markii uu jiray 16 sano jir laakiin Arsenal ayaa doonaysay in ay marka hore tijaabiso inta ayna si toos a ula wareegin taas oo keentay in uu Ibrahimovic iska diido arintaas kuna biiro kooxo diyaar u ah in ay la wareegaan.

5.Luis Suarez

Arsenal ayaa Suarez doonaysay sanadkii 2013 markaas oo uu joogay Banaadirsom Liverpool laakiin Liverpool ayaa ka maadsatay Arsenal kadib markii ay dalbatay lacag dhan 40 milyan +1 milyan si ay uga iibiyaan xiddiga ka hor inta uuna Gerrard ku qancin in uu iska sii joogo Liverpool.

6.Didier Drogba

Kan ayaa dhaawacaya taageerayaasha Arsenal maadama uu Didier Drogba jeclaa in uu Arsenal goolal ka dhaliyo waliba, hadii ay Arsenal la ciyaarayso chelsea waliba Drogba ku jiro kulanka waxa aad sii hubtay in uu gool ka dhalinayo, waxa arinta sii xumeeyay ayaa ah in ay Arsenal iska diiday in ay kaliya 100 kun oo Gini kula wareegto Drogba sanadkii 2004.

7.Yaya Toure

Wenger ayaa sheegay in uu aad uga shaleeyo in uu seegay saxiixa Yaya Toure marka loo eego in uu xiddiga Yaya xidhay maaliyad Arsenal kulan isku diyaarinta xilli ciyaareedka ahaa sanadkii 2003 laakiin xiddiga ayaa khasaariyay fursad cajiib ah taas oo keentay in ay Arsenal go’aansato in ayna u dhaqaaqin saxiixiisa.

8.Virgil van Dijk

Virgil van Dijk ayaa lagu qiimeeyaa daafaca ugu fiican adduunka waxana uu kaalinta 2-aad ka galay abaalmarinta xiddiga uu fiican adduunka kadib markii uu Liverpool kula guulaystay champions League, laakiin sanadkii 2014, Arsenal ayaa iska diiday in ay 12 milyan kula wareegto xiddiga.

9.Eden Hazard

Sida koox kasta oo weyn oo yurub ah, Arsenal ayaa doonaysay saxiixa Eden Hazard xagaagii 2012 laakiin Arsenal ayaan doonayn in ay lacag badan suuqa galiso waxana ay isku dayday in ay Lille kula gor-gortanto qiimaha taas ayaa chelsea fursad u siisay in ay lacag 40 milyan ah ku dhamaystirto saxiixa xiddiga.

10.Gareth Bale

11.Kylian Mbappe

12.Gianluigi Buffon

13.Antoine Griezmann

14.Harry Kane

15.Karim Benzema

16.Peter Schmeichel

17.Vincent Kompany

18.Raphael Varane

19.Roberto Carlos

20.Claude Makelele

21.Paul Pogba

22.N’Golo Kante

23.Jadon Sancho

Sii Akhriso: Sababaha Ay Dumarku U Doorbidaan In Ay Guursadaan Ninka Xaaska Leh Oo La Ogaaday.

Source link