Wararkii ugu dambeeyey weerar ku billowday qaraxyo oo lagu qaaday saldhigga ciidamada Burundi


Jowhar (Banaadirsom) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khawaaraha ka dhashay weerar culus oo saaka dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Burundi ee qaybta howlgalka ATMIS ex AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka ayaa wuxuu ku bilowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidamada Burundi ee ku sugnaa saldhigga la weeraray iyo xoogaga weerarka qaaday.

Sidoo kale waxaa dagaalka mar dambe ku biiray ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya, kuwaas oo gurmad ahaan ugu tegay ciidamada ATMIS ee lagu weeraray halkaasi.

Wararka ayaa sheegay in weerarkan lagu dilay ugu yaraan 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale.

Al-Shabaab oo dhankeeda ka hadashay weerarka waxa ay shaacisay inay dagaalyahanadeeda gudaha u galeen saldhigga, ayna la wareegeen, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaan weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.



Source link