Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyey cadaadiska saaran QOOR QOOR iyo liiska laga sugayo

Wararkii ugu dambeeyey cadaadiska saaran QOOR QOOR iyo liiska laga sugayo

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa weli la xarbinaya go’aan ka gaarista liiska musharaxiinta Aqalka Sare oo laga sugayo inuu soo saaro.

Qoor Qoor ayaa weli go’aan ka gaari la’ qaar ka mid ah kuraasta beelaha iyo cidda uu u sharxayo, taasi oo dib u dhigeysa inuu liiska shaaciyo, waxaana cadaadiska ugu xooggan uu ka saaran yahay laba ka mid ah kuraasta.

Labadaas kursi ayaa waxaa ku fadhiya laba Senator oo aad ugu dhow Qoor Qoor oo kala ah; Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, oo kasoo jeeda beesha Murusade iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kasoo jeeda beesha Sacad Habar-Gidir.

Labadan Senator ayaa aad ugu dhow oo saaxiib la ah Qoor Qoor, hase yeeshee waxaa sanadkan kuraastooda u sharaxan oo doonaya siyaasiyiin kale oo magac iyo miisaan ku leh beelahooda.

Kursiga Dhagdheer ayaa waxaa u sharaxan Sheekh Yuusuf Cali Caynte, halka kursiga Qeybdiid uu doonayo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Go’aanka ugu fudud ee Qoor Qoor uu qaadan karo ayaa ah inuu dhammaan kuraasta ka dhigo kuwa furan oo ay isku sharci karaan ciddii doonta, hase yeeshee Dhagdheer iyo Qeybdiid, oo saaxiibo la ah, ayaan dooneyn inay wajahaan tartan adag oo ay kursiga ku weyn karaan.

Laba kursi oo kale oo ay ku fadhiyaan siyaasiyiin miisaan culus, oo laga cabsi qabay inay Qoor Qoor ku adkaato go’aan ka gaaristooda ayaa culeyskoodu ka degay.

Mid ka mid ah kursigaas ayaa waxaa ku fadhiya Senatorr Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey oo kasoo jeeda beesha Duduble, hase yeeshee go’aansaday inuu sanadkan isku sharxo golaha shacabka.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku fadhiya Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo kasoo jeeda beesha Mareexaan, hase yeeshee waxaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo beesha go’aansadeen in loo wareejiyo jufo hoosaad beesha ka mid ah oo tirsaneysa cadaalad darro.

Qoor Qoor ayaa mar ay ahaataba ku qasban inuu hoggaamiyenimo muujiyo oo uu go’aan qaato, sababtoo ah kuma sii dheganaan karo liiska.

Source link